Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd Fanaaniinta waaweyn ee Hobolada Qaranka Waabari oo ku geeriyootay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma, AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Fanaanada ayaa la sheegay iney Xanuunka Covid19 ugu geeriyootay sida la shaaciyay Isbitaalka Martiini oo lagu dabiibo dadka qaba xanuunka safmarka ee Coronavirus.