Booliska Soomaaliya oo War hofdhac ah kasoo Saaray Qarax ka dhacay degmada Xammarweyne ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Afhayeenka Ciidanka Boliiska ayaa lagu sheegay in la fashiliyay Qarax Ismiidaamin ahaa oo 30 daqiiqo kahor ka dhacay degmada Xamarweyne.

“Wax yar ka hor abaare 11:25 AM, ayeey Ciidanka Boliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si uu isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay” ayaa lagu yiri warka Booliska.