Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raagge ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha waxaa wehliyay saraakiil sare oo Amisom ka tirsan, waxaana soo dhaweeyey cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Warbaahinta u sheegay Xogta safarka taliyaha xoogga ee gobolka Hiiraan iney dib kaga sheegi doonaan oo hada aan la shaacineen.