Booliska Soomaaliya ayaa Warbaahinta Dowladda La wadaagay in Qarax gaari loo adeegsaday ay Al-shabaab caawa ku qarxisay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Afayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo aan la hadalnay waxaa uu sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh isla markaana ay dumeen guryo maqaayadda ka ag dhawaa hadana uu socdo gurmad loo fidinayo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu dhibaateeye.

“Faah faahinta falkaa cadawgu geystay oo baaritaan aan ku hayno dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa” ayuu yiri afayeenka Booliska.