Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilka ka qaadey Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland.
Sababta ugu badan ee ka dambeysa Xilka qaadista Wasiirka ayaa ah Wareysi bixiyay kuna sheegay inuu wada hadal u socdo isaga iyo dowladda Federaalka oo horay ugu eedeysay dambeyo dagaal iyo arimo kale.