Beesha Caalamka ayaa mar kale War kasoo Saartay Doorashada muranka badan hareeyay ee Soomaaliya, iyada oo sheegtay in beesha Caalamka aysan aqbali doonin Doorasho hal dhinac ama kuwa is barbar yaah ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Muhiim tahay dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya ay kawada heshiiyaan doorasho lagu isku raacsan yahay.

“Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka. Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan “

“in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.”ayaa lagu yiri warka beesha Caalamka.