Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Galmudug Fiqi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa goobta kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida, iyo saraakiishooda, halkaas oo uu madaxweynaha socod dheer kusoo kormeeray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhanka ah Kooxda AlShabaab oo dhawaan laga saaray deeganadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, Madaxweynaha ayaa la dardaarmay ciidamada iyo saraakiish goobta ku sugeyneyd, asagoona sheegay in la sii wadi doono howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.