Shirkii Gollaha Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ayaa hadda ka furmay Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa kulankooda maanta kaga arrinsanaya sii amba qaadidda Ajandaha shirweynaha qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka oo khilaaf uu ka taagnaa is fahan waaga madaxda dowladda Iyo kuwa Maamul Gobaleedyada dalka.

Shirka oo uu guddoominayo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul Wasaaraha XFS, dhamaan Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada dalka Iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.