Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Saadaq Joon ayaa ku dhawaaqay inay baajiyeen kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wuxuu Sheegay in Maanta ay joojiyeen kulankii Xildhibaanada oo ajendihiisu ahaaa ka doodista Mooshinka Doorashooyinka Qaranka lagana cabsi qabay in mudo korarsi loogu sameeyo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marnaba aan la aqbali karin muddo kororsi loo sameeyo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, isla markaana caddeeyay in Caasimadda dalka aan laga abuuri karin amni darro.

Sidoo kale Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ugu baaqay inuu tego Teendhada Afisyooni, isla markaana uu ka qeyb galo shirarka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Waxaa kaloo oo uu Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe uga digay inuu joojiyo hadalada uu jeedinayo, isla markaana uusan sheegin wax loo soo dhiibay, waa sida uu hadalka u dhigay.