Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal Shiiqaay oo ka tirsanaa Golaha degaanka degmada Warsheekh ayaa caawa lagu dilay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay xiliga la dilayay inuu sii galayay hoyga uu ka daganaa xaafada Madiino ee Gobalka Banaadir.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilka Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal Shiiqaay oo ka tirsanaa Golaha degaanka Warsheekh.

Wixii kusoo kordha kala soco kalsantv.com