Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamada Mucaaradka oo Xalay Saqdhaxe ka guuray difaacyadii habeen hore lagu dagaalamay ee KM4 ilaa madaxtooyadii hore ee C/qaasim halkaasi oo Saldhig u aheyd, kuwaa oo u guuray aag cusub oo dhanka Warta Siigaale iyo Xaafadaha kale ee Taleex.

Dhanka kale waxaa goobihii ay ka baxeen Ciidanka Mucaaradka dib ula wareegay Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Haramacad ayaa sidoo kale saakay lagu arkay aagga KM4 ilaa madaxtooyadii hore ee C/qaasim kadib markii ay ka baxeen ciidamadii kasoo horjeeday muddo kordhinta Farmaajo kuwaas oo u guuray aagga Siigaale ee isla degmada Hodan.

Dhan kale Barakac xoogan ayaa ka bilowday Xaafada Siigaale Iyo xaafadaha ku teedsan maadama Ciidamada Mucaaradka ay soo dul dageen oo ay ka cabsi qabaan in loogu dul dagaalamo sida 48 saac ee lasoo dhaafay loogu dagaalamay Sayidka, Taleex, Iyo Fagax.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com