Shir uga socdaa magaaladda Muqdisho Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadlaya xaaladaha siyaasada, Doorashooyinka & fududeynta howlaha horyaala Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu horeeyaan shirka soo socda ee 20-ka bisha May ee Golaha wadatashiga Qaran.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu faah faahin dheeri ah ka bixiyo Shirkaasi u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee ka socda Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.