Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn Maxamed Siidoow Iyo Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Axmed kheyre oo ku dhawaad 3 saac ka socda gudaha degmada Wanlaweyn.
Dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka inuu yimid kadib markii labada Mas’uul ay isku khilaafeen Lacaga laga qaado gaadiidleeyda soo gasha iyo kuwa ka baxa degmada Iyo deegaanada kale ee hoos yimaada.
Wali lama Xaqiijinin khasaaraha ka dhashay Dagaalka oo mudo Saacadaha ah ka socda degmada Wanlaweyn ee Gobalka Sh/hoose.