Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Dagaal Xoogan oo dhax maray Ciidamada Xoogga Iyo kuwa Hirshabelle oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka Xoogga ay dileen 15 xubnood kadib weerar ay ciidanka Dowladda ku qaadeen degaannada Galabashiir iyo warciise ee Gobalka Sh/dhaxe.

Sidoo kale wuxuu Sheegay Janaraal Odowaa in ciidamada ay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Dagalamayaasha Al-Shabaab.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Al-Shabaab oo looga hadlayo Howlgalada ay guulaha ka sheegteen Ciidanka Xooga dalka.

Ciidamada Xoogga ayaa mudooyinkii dambe waday Howlgalo ka dhan ah Alshabaab.