Waxaa si rasmi ah u bilowday imtixaanka shahaadi ah oo dowladda soomaaliya ay ka qaadeyso ardayda Soomaaliyeed

Wasaarada waxbarashada xukuumada soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in saakay imtixaanka ay u fadhiisteen arday gaareysa 42 ,000 ( afartan iyo laba kun )

Sidoo kale Waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Magaalada muqdisho gaar ahaan Goobaha Imtixaankaasi uu ka dhacaayo.

Goobaha ardaydu ku galayaan imtixaanka ayaa waxaa la geeyay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasi oo sugaya amaanka goobaha loo cayimay in imtixaanka lagu galayo oo gaaraya in kabadan  70 xaromood oo dowladda diyaarisay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa ardayda ugu baaqay inay si kalsooni leh ku galaan Imtixaanka, isagoo u rajeeyey inay guuleystaan.

 
Imtixaanka dowladdu ayaa sanadkaan qaadeyso ayaa noqonaya kii 7 aad kadib markii dowladdu ay dib u bilowday qaadida imtixaanka shahaadiga ah  sanadkii 2014 xiligii ay jirtay dowladii xasan sheikh maxamuud

Waxaa jirta shacabashooyin farabadan oo laga muujiyay imtixaankii dowladdu ay qaaday sanadkii hore kadib markii ay dheceen ardaydii ugu badneyd ee gobolka banaadir.