Iyada oo la tixraacayo go’aannadii Shirkii Gollaha Wadatshiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka ee Muqdisho ku qabsoomay 27 May ,Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu maanta oo Sabti ah 19ka Juun ,2021 soo saaray liiska kama dambeyska ah ee wax ka badalka guddiyada doorashooyinka heer Federaal ,Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Ra’isul Wasaare Rooble iyo Guddiga heer Wasiir ee uu u xilsaaray xaqiijinta ergooyinka waxa ay sameeyeen dadaal aad u badan si loo dhageysto cabashooyinka tixgalinta mudan ee la xiriiray xubnaha guddiga.
Iyada oo la tixgalinayo Halbeegga la dajiyay Hishiiskii 17ka September ee sifooyinka looga baahan yahay qof ka mid noqonaya Guddiyada Doorashooyinka ,waxa marka ugu horreysay liiska laga saaray 34 xubnood oo ka mid ahaa 67da xubnood oo cabasho laga keenay . Waxa lagu celiyay dhinacyadii ay markii hore ka yimaadeen si loo soo badalo xubnahaas ,muddo kadib dhamaan Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland waa ay soo gudbiyeen liisaskii wax ka badalka lagu soo sameeyay ,si kala hufid hor leh xubnihii la soo badalay waxa laga helay 6 xubnood oo aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay xubnaha guddiga,tani ayaa waxa ay ka dhigeysaa liiska laga saaray guddiyada 40 xubnood.
Halka hoose ka aqriso dhamaan xubnaha guddiyada oo dhameystiran.





