Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay degmooyinka Kaaraan Iyo dayniile ku kala dilay Haweeneey Iyo Gudoomiye Waaxeedkii waaxda Kurdamac.

Kooxo hubeysan ayaa Xalay Degmada Dayniile ku dilay guddoomiyihii Waaxda Kurdamac ee degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale koox hubesan ayaa degmada Kaaraan ku dishay Haweeneey ka tirsaneed guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Kooxdii fulisay labada dil ee ka kala dhacay Kaaraan Iyo Dayniile ayaa goobta ka baxsaday mana jirto dad loosoo qabqabtay dilalkaasi.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka iyo taliska Ciidanka Booliska dalka.