Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdi uu Hogaaminayay Madaxweynaha oo ka kooban labada gole waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, uu Magaalada Muqdisho kaga qeybgalayaa shir ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.