Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa Saakay Xukun Dil ah ku Fulisay Kudhawaad Labaatan katirsanaa Alshabaab.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 18 ka mid ah Al-shabaab oo horey Maxkamaddu xakun dil ah ugu ridday.

Xubno katirsan Al-shabaab ayaa falal iskugu jira dilala iyo Qaraxyo la fashiliyay ka geystay Magaalada Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka Mudug, waxayna saraakiisha Puntland wacad ku mareen in Caddaaladda la marsiindoono Qof kasta oo looga shakiyo inuu katirsan yahay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.