Maamulka Hirshabeelle ayaa cadeeyay in inuusa qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee maanta uga furmaya Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hirshabeelle ayaa sidoo kale Sheegtay in aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka Sidoo kale wixii kasoo bax aysan noqon doonin wax quseeya Maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle ayaa sheegtay in ay dhowri doonto fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho, balse shirka maanta aysan qeyb ka aheen ama ka qeyb gali doonin.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya madaxda Maamulada Iyo Dowladda dhaxe kaasi oo looga arinsanaayo dardargalinta Arimaha doorashooyinka Soomaaaliya.