Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya koox katirsan AlShabaab oo aroornimadii hore ee Saaka Weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku lahaayeen afaafka hore ee Magaalada Wisil ee Gobalka Mudug, halkaasina uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Galmudug iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo AlShabaab oo ka dambeeyay Weerarkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan isla markaana socday wax ka badan labo saacadood oo khasaare uu kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in dagaalka khasaare Xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab Sidoo kale ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray Ciidamada Galmudug iyo kuwa Macawiisleyda degaanka Wisil oo Saraakiisha galmudug sheegeen in ay ka bar bar dagalamayeen Maleeshiyaad katirsan dadka deegaanka Wisil ee Gobalka Mudug.

Wixii kusoo kordha kala soco Kalsantv.com