Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo xiray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey habraacyada muhiimka u ah qabsoomidda Doorashooyinka Dalka.
Shirka oo socday 27 -29 Bishan Juun, ayaa lagu muddeeyey jadwalka doorashada ee Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Iyada oo laga duulayo dedaallada qabsomidda doorashada waxa ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen qoddobadan:
Go’aannada
1.Jadwalka Doorashada
a) Tababarka iyo doorashada Guddoonka Guddiyada 30 Jun – 05 July 2021.
b) Doorashada Aqalka Sare 25 July 2021.
c) Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada 23 July 2021.
d) Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashada 15 July – 10 August 2021.
e) Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka 10 August – 10 September 2021.
f) Diyaarinta Xildhibaannada iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal 20 September 2021.
g) Doorashada Madaxweynaha 10 October 2021.
Sidoo kale, Golaha Wadatashiga Qaran oo fududaynaya doorka ka qaybqaadashada haweenka ee Doorashada, wuxuu go’aamiyey in khidmada laga qaadayay haweenka u sharraxan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la dhimo 50%.