Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sida oo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddiga la magacaabay in si deg deg ah ay u guda galaan xalinta arrimaha khilaafaadka gobolka Gedo, iyagoo latashiyo la sameynaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Xubnaha guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka kooban dowlad goboleedyada oo aysan Jubbaland ku jirin.

Mudane Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Mudane Axmed Madoobe Nuunow,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

Mudane Aadan Cusmaan Xuseen,
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Galmudug