Waa kuma Gudoomiyaha loo doortey Golaha Maamulka Hay’adda Istaatistikada Qaranka?

Asad Yusuf Qanyare ayaa waxaa loo doortey 16kii bishan Oktobar gudoomiyaha cusub ee Golaha Maamulka (board of directors) Hay’adda Istatistikada Qaranka.

Hay’addan oo sharciga lagu yegleelay la ansixiyey bishii February 2020, in dhawaalena la wadey dhisideeda, qaabeenteeda iyo shaqo-galinteeda, lagana rabo fulinta shaqooyin iyo hoolo badan oo la xiriira arurinta, nidaaminta iyo baahinta Xogta Istaatistikada dalka, ayaa hada umuuqata mid si buuxda u shaqa galeysa.

Gudoomiyaha cusub ayaa aad loo soo dhaweeyey doorashadiisa, gaar ahaan shaqaalaha oo u arkayey in uu yahay shakhsiga ku haboon booskan, ayna ku faraxsan yihiin iyagoo ku tilmaamey qof horey loo soo tijaabiyey waxqabadkiisa, ayna aaminsan yihiin asaga iyo kooxda aqoonyahanada ah ee xubnaha ka ah Golaha Maamulka Hay’adda in ay sameen karaan isbadalka la rabo in ay ku tilaabsato Hay’addan si ay qeyb ugu noqoto gaarida yoolalka ay xukuumaddu hiigsaneyso xaga hormarinta dhaqaalaha iyo Bulshada.

Waxaa xusid mudan, in sharciga statistikada uu siinayo awood balaaran Golaha Maamulka Hay’addan, ay ka mid tahay: dayaarinta siyaasadaha hagaya hay’adda; kormeeridda iyo fulinta qaabka hay’addu u shaqeeneyso; ka warqabka qaab dhismeedka hay’adda iyo heerarka shaqaalaha; sidoo kale Oggalaanshaha qorshe hooleedyada iyo barnaamijyada hay’adda iyo ansixinta miisaniyadda, taasina waxey ku tuseysaa masuuliyadda culus ee saaran Golaha Maamulka.

Hadaan yara jaleecno taariikhda aqooneed ee gudoomiyaha cusub, wuxuu shahaadada heerka kowaad (BSc) iyo heerka labaad (MSc) uu ka qaatey Jaamacadda Tilburg ee dalka Holland, asagoo ku takhasusey Dhaqaalaha & Maaliyadda (2004), sidoo kale isla jaamacadaas waxuu ka qaatey mar labaad shahaadada (MSc) asagoo ku takhasusey “Strategic Management” (2006). Waxaa xusid mudan in Jaamacadda Tilburg ay ka mid tahay 25ka jaamacadood ee ugu tayada fiican uguna hormarsan caalamka. Sidoo kale waa cilmi-baare daraasado ka sameeyey dhaqaalaha Somaliya. Waxuu ku hadlaa luuqado badan sida: English, Dutch, French iyo German.

Run ahaantii, gudoomiyaha cusub waa mid sokeeye iyo shisheeye u qireen hoolkarnimo, hufnaan, iyo waayo-aragnimo durugsan; taasna waxaa u sii dheer in uu yahay qof fahan qota-dheer u leh bulshada somaaliyeed iyo caqabadaha haysta.

Mararka qaarkood sida dhacda, qof baarashuut ku duulaya ayaa lagu soo tuuraa wasaarad ama hay’ad asagoo loo magacaabayo xil-sare; isla markaasna aan u laheen wax khibrad ah iyo waayo aragnimo xilka loo idmadey, iskadaa in uu isbadal sameeyo, bal waxuu caqabad ku noqonayaa hooshii shaqo ee socotey!!

Nasiib wanaag, Asad Qanyare waa nin inbadan dalka ku nolaaa, shaqooyin iyo xilal kala duwanna soo qabtey, 5tii sano ee u danbeysay waxuu la shaqeenayey wasaaradda qorshaynta, asagoo soo noqdey Agaasime Waaxeed, Agaasime Guud iyo Lataliye sare, wuxuu laf-dhabar u ahaa diyaarintii iyo sameentii Qorshaha 9aad ee Hormarinta Qaran (NDP9), sidoo kale waxuu wax weyn oo la taaban karo ka qabtey xoojinta xiriirka deeq-bixiyayaasha iyo xukuumadda federalka; sidoo kale waxuu ahaa maskaxdii ka danbeysay suurtagalinta mashaariic iyo barnaamijiyo muhim ah oo dalka laga fuliyey.

Gunaanadkii, waxaa mudun in la tilmaamo, in ay tahay Wasaaradda Qorshaynta Qaran, wasaaradaha ugu waxqabadka fiican, tasoo loo celin karo in uu eebe uu ku maneystey hogaan wanaagsan oo aragti fog leh, aaminsan dhalinyarada hal-abuurka iyo aqoonta leh, ayna mudan yihiin in loo dhiibo xililka shaqo; taasina runtii waa tuusale mudan in ay ku deydaan wasaaradaha iyo hay’adda dawlada ee kala duwan.


Qore/ Khalil A. Waare

SHARE
Previous articlekalamaan 17 10 2021
Next articlekalamaan 18 10 2021