Dec. 21 (Kalsantv.com)-Warar Aan Helnay ayaa sheegaya in darawalka gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu ku biiray Ururka Al-Shabaab, isagoo isaga cararay magaalada Muqdisho.
axamed Mursal oo xaqiijiyay jiritaanka warkaasi ayaa tilmaamay in mudo 4 sano ah uu darawal u ahaa, isagoo ka soo raacay Wasaarada Gaashaandhigga xiligii uu Maxamed Mursal wasiirka ka ahaa.
“Ninkaas darawal ayuu ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu iga soo raacay markaan guddoomiyaha Baarlamaanka noqday, wuxuuna ii ahaa darawal ila shaqeeya, Ninkaas oo Xuseen ahaa 4 sanno ila shaqeynayey lama hayo sabab rasmi ah oo ninkii halkaas u aaday, laakiin waa inaan u deynyaa hay’adaha amniga” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay VOA.