Ciidamada Dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa rasaaseeyay Dad Shacab ahaa oo ku sugnaa degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, kuwaas oo ka gadoodsanaa ceel biyood ay dowladdu ka qodi lahayd tuulada Xodey gaajo oo kamid ah degmada Shilaabo.

Inta la xaqiijiyay laba Ruux oo Shacab Ahaa ayaa ku geeriyootay rasaasta ay fureen Ciidamada liyuu Boolis kadib markii ay isku dhaceen dadka Shacabka ahaa iyo Ciidamada, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq xaaji Ibraahim ayaa sheegay in Ceelka aan lagu qodeyn rabitaanka dadka degaanka balse lagu qodayay rabitaanka dad tuulo kale degan, isla markaana Goobta Ceelka laga qodayay ay tahay mid aan ka imaaneyn biyo.
Dhinaca kale Hoggaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in ugu horreyn ka xun yihiin waxa goobta ka dhacay, balse war aan jirin loo sheegay shacabka degmada Shilaabo oo ah in deegaamayn cusub la wado oo dad kale lasoo dejinayo goobtan ceelka laga qodayo, taasina aysan waxba ka jirin.