Ukraine ayaa shaaciyey in 4 Markab oo ay ku raran yihiin 129,000 tan oo Qamadi ah ka soo shiraacdeen Dekedo ku yaalla Gobalka Odesa ee dalkaasi.
Qoraal uu Adeega Warbaahinta ee Wasaaradda Kaabayaasha Ukraine (The Press Service of the Ministry of infrastructure of Ukraine) soo dhigay Bartooda Facebook ayaa lagu xusay inay Maraakiibtaasi u kala shiraacdeen dalal ku kala yaalla Qaaradaha Africa, Asia iyo Europe.
Mid ka mid ah Maraakiibtaasi oo lagu magacaabo INCE ATLANTIC bulk carrier oo lagu soo array 44,000 oo Tan waxa uu si Khaas ah ugu soo wajahan yahay Dekedda Mombasa ee dalka Kenya.
Markabkaasi oo shalay oo Talaado ah ka soo shiraacday Gobalka Odesa ee dalka Ukraine waa Markabkii Saddexaad oo wada Qamadiga Ukraine oo loo soo daabulo dalka Kenya