Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa beenisay wararka ku aadan in hakad la galiyay howlihii Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee aadan cadde.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah islamarkaana shaqada garoonka ay tahay mid si wanaagsan u socota.

“Runtii maalmahaan waxaa leysla dhex marayay in dhibaatooyin amniga xagiisa ah ay jiraan waxana idin sheegayaa in aysan jirin wax hakad galay cabsi amni darted shaqadu waa ay socotaa maalinba maalinta ka dambeysa Shaqada waa ay sii ballaaraneysaa waliba xataa xiliyada habeenkii ayuu Shaqeeya Garoonka ayuu yiri Wasiirka.

Todobaad ka hor howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in qaraxyo laga cabsi qabo in lagu weeraro garoonka muqdisho ee aadan Cadde islamarkaana la hakiyay howlaha garoonka muddo Todobaad ah.