Guud ahaan shacabka somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada madaxtooyada somaliland.

Goobaha codbixinta ayaa ka kooban 1612 goobood ayaa guud ahaanba saaka xili hore la furay, waxaanay wararka hor dhaca ah ee laga helaya  sheegayaan in codbixintu uga bilaabamtay si nabad galyo ah.

Guud ahaan ciidamada kala duwan  iyo shacabka somaliland ayaa ku jira heegan buuxa oo ay ku sugayaan amaanka guud ee somaliland iyo amaanka goobaha codbixinta.

Doorashada madaxtooyada ayaa si degan oo nabad galyo ah uga socota dhamaan goobaha codbixinta ee dalka oo dhan, iyada oo ay muuqato sida ay shacabka somaliland iskugu duuban yihiin isla markaana diyaarka ugu yihiin inay si nabad galyo ahu codeeyaan.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Daawo sawirrada laga soo qaaday qaar kamid ah goobaha codbixinta.