Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Xasan Jaciir oo mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Dowladdda Federaalka Soomaliya ee laga soo doortay deeganada Maamulka Hir-shabeelle.

Dilkaan ayaa ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaaladda muqdisho sida goob-joogayaal ay u sheegeen warbaahinta.

Allaha U Naxariistee  Xasan Jaciir oo ahaa Oday dhaqameed ayaa   sanaddii lasoo dhaafay magaalada Jowhar uga qeyb galayay fadhiyadii lagusoo xulayay xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee lagasoo doortay dhanka maamulka Hir-shabeelle ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Warar lagu baahiyay baraha Al-shaabab ayaa lagu sheegay in rag ka Tirsan Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka xalay loogu geystay magaaladda muqdisho Xasan Jaciir oo mid kamid ahaa Odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Dowladdda Federaalka Soomaliya ee lagu soo doortay deeganada Maamulka Hir-shabeelle.

Ciidamada dowladda oo howlgalo bilaabay ayaa dagmada howl-wadaag ka baadigoobay ragii dilka geestay iyagoo sheegay in ay ku daba jiraan.