Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa waxaa ay kaga doodeen arrimaha Xisaab xirka Miisaaniyadii Dowladda ee 2015,2016 iyo Hindise Sharciyeedka ladagaalanka Musuq Maasuqa.

Kulankan oo ay yeesheen xildhibaanada waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dood kadib ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen Xisaab Xirka miisaaniyadaha 2015,2016, iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  waxaa horyaala hindise Sharciyeedyo dhowr ah,kuwaasi oo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana kamid ah sharciyo muhiim u ah dalka.

”Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay xisaab xirkii 2015 iyo 2016 waxaan sido kale u mahadnaqayaa  Xafiiska Xisaabiyaha  Guud iyo Gudiga Maaliyadda Golaha Shacabka JFS oo gutey waajibaadkii loo idmadey” sidaas uu yiri wasiirka maaliyadda oo hadal  kooban ku qoray boggiisa twitter-ka, kadib ansixinta golaha shacabka.