Goobjoogayaasha  Caalamiga ah ee isha ku haya  Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada  ay khusayso in ay  maraan jidka  la xiriira  sharci xalinta khilaafaadkooda doorashada.

War saxaafadeed uu soo saaray  Mr. Michael Walls  oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa ayaa waxa uu sheegay in ay xog-ogaal u yihiin cabashooyin ku saabsan nidaamka tirirnta codadka, laakiin waxa  uu ku baaqay  in loo maro tabashooyinka hababka caddaaladda iyo sharciga ee  ku habboon.

“Dibad-baxa rebshaduhu waxay wiiqayaan nabadii Somaliland ku naaloonaysay, maslaxadna   uma ah shacabka iyo dalka midna”

“Waan ka warqabnaa cabashooyinka, waxaanan ku baaqyanaa in sida ugu degdega badan cabshooyinkaa dariiqyadii sharciga ee loogu talogalay si caddaalad ah loogu dhammeeeyo, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay qaangaarnimo  muujiyaan inta hawshaasi socoto,”ayuu yidhi Mr. Walls.

Kormeerayaasha Caalamiga ah oo Somaliland  ku yimid  martiqaad ay ka heleen guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay inay taageersan yihiin nidaamka shaqo ee komiishanka u wadaan xisaabinta iyo soo bandhigida natiijooyin hordhac ah, sida ugu horeysa ee ugu macquulsan.

Qoraalka Kormeerayaasha caalamiga ayaa intaas ku daray;  “Waxaan ayidaynaa baaqa guddiga doorashada  ee la xiriira xisbiyadu   inay cabashooyinkooda ku soo gudbiyaan habab nabdoon.

Waxaan si weyn ugu qoomamaynaynaa dhimashada la sheegay, uguna baaqayna dhammaan shacabka Somaliland inay ilaaliyaan nabadgelyada.”

Mr. Walls ayaa sheegay inay jiraan nidaam sharci oo loo maro gudbinta cabashooyinka, marka murran dhaco,  waxaana uu tilmaamay marka ay soo baxaan natijooyinka hor dhaca ah in la baaro muddo todobaad ah dhamaan cabashooyinka rasmiga ah hadii wax laga qaban waayana in loo gudbiyo maxkamadda sare ee maamulka.