Xilli Shalay Gelinkii dambe Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cabdulle ay ka dhoofeen  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hogaamiyaha maamulka goballada dhexe ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta la filayaa in hada wadalo toos ah oo lagu heshiisiinayo in uu ka furmo magaalada Nairobi.

Wada hadaladan ka furmi doona magaalada Nairobi waxaa garwadeen ka ah saraakiil katirsan urur goboleedka IGAD, iyadoo wada hadaladan ay yihiin kuwo biloow ah waxaa sidoo kalewajiga labaad ee dwada hadalkan uu ka dhici doonaa  magaalada muqdisho dhamaadka bishan November.

Warar ku saabsan kulanka dhexmari doono hogaamiyaha galmudig iyo kan Ahlu Sunna ayaa sheegaya in arrimaha ugu muhiimsan ee labada dhinac ka wada hadlayaan in ay tahay sidii awood qeybsi u dhex mari lahaa, isla markaana Ahlusuna xubno ugu yeelan laheyd Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, iyo waliba in maamulka  Galmudug  uu u soo guuro magaalada Dhuusa Mareeb.

Dowladda Federaalka ayaa horaantii sanadkan ku guuldareystay inay heshiis kala dhex dhigto labada dhinac, inkastoo wada hadalo ka dhacay Muqdisho uu ku soo dhamaaday is faham waa.

Wada hadalkn oo ay garwadeen  ka tahay Urur Galbeedka IGAD ayaa horay waxaa u dalbatay Xukuumadda Soomaaliya oo warqad ay u dirtay bilo ka hor Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD kaa oo laga  codsaday inuu  fududeyeyo  wada hadal dhex mara Galmudug iyo Ahlusuna.