Sida uu qoray Wargeyska Standard Media oo soo xiganaya warbixin Sirdoon ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah Hoggaamiye sare oo  ka tirsan Al-Shabaab in ay isku dhaceen hoggaanka sare ee ururka, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u yihiin dowlado shisheeye.

Axmed Iimaan oo madax u ah Guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka Al-Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah, kaa oo isaga laf ahaantiisa ka soo jeeda dalka Kenya.

Ninkan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin doolar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii fagaare ku yaala degmada Bu’aale ay Al-Shabaab ku fuliyeen dil, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin xiriir la lahaa Sirdoono Shisheeye, mid ka mid ah afarta ruux ee la toogtay waxaa ku jiray qof Kenyan ah oo ka soo jeeda Magaalada Gaarisa.