Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee somaliland.

Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlay munaasibada ay kaga dhawaaqeen natiijada doorashada madaxtooyada ayaa taageerayaasha ugu baaqay inaanay samaynin wax dabaal deg ah oo waxyeeli kara amaanka dalka.

Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Ayaa Sheegay Inay Doorashadii Madaxtooyada Ku Guulaysteen Murashaxiintii Xisbiga Kulmiye ee Murashaxii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Murashax Xigeenkiisa  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Xisbiyada Ayaa Sidan Codadka U Kala Helay:

Xisbiga Kulmiye:- 30 5,909 cod una dhiganta 55.19%

Xisbiga Waddani:- 226,092 cod una dhiganta 40.73%

Xisbiga Ucid 23,241 cod una dhiganta  4.17%