Masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hada soo gaba gabeeyey shir saacadihii ugu dambeeyey uga socday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ay kaga arinsanayeen natiijada ay saluugeen ee ka soo baxday guddida doorashooyinka somaliland ayey ugu dambayn sheegeen inay qaataan.

Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo markii shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isaga  oo eegaya danta shacabka somaliland uu qaatay natiijada doorashada.

Waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Aniga oo u turaya shacabka, nabad galyada qaranka oo aanan ogolayn in  la daadiyo dhiiga shacabkayga waxaan qaatay natiijada doorashada.”

Wixii war ah oo ku soo kordha Arimaha  Somaliland kalsaco muuqaal baahiyaha kalsantv/www.kalsantv.com