Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya oo Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo qabqabtay  dagaaalyahano ka Tirsan Al-shabaab oo qaraxyada u qaabilsanaa.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan Hoos taga Degmada Wala weyn ee Gobolka shabellaha Hoose ,waxaana deegaanka uu Howlgalka ka dhacay  lagu Magacabaa Danwale oo hoos tagaa Degmada Wala weyn.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay Howlgalka ay ka Fuliyeen Shabellaha Hoose in uu ahaa mid qorsheysan islamarkaasina lagu Bartilmaameysanayay dagaalyahanada Al-shabaab

Saraakiisha waxa ay xaqiijiyeen in howlgalka laga Fuliyay Degaanka lagu Magacabo Danwale oo Hoos taga Degmada wala weyn Halkaasi oo Gacanta lagu soo dhigay 16 ka Tirsan Al-shabaab kuwaasi oo Qaarkooda ay yihiin kuwa Al-shabaab u qaabilsanaa Sameynta Qaraxyada.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa Xusay in Deegaanka Danwale ee dagaalyahanada Al-shabaab ku sameeyaan Qaraxyada iyagoona Xaqiijiyay in la Bur buriyay Saldhig Al-shabaab ku lahayeen Degaanka Danwale.