Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa maanta lagu wadaa in Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu horgeeyo Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila, kaasoo horay ay u meel mariyeen Golaha Wasiirada.

Labadan Hindise sharciyeed ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo Sharciga la dagaalanka Argagixisada oo la horgeeyay Baarlamaankii 9aad aanu ansixin, isla markaana aanu ka doodin.

Hindise sharciyeedka Xakameynta hubka  ayaa hadii la ansixiyo waxa uu sahlayaa in aan magaalada lagu dhex qaadan hub aan sharciyeysneyn.

Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada ayaa ka kooban 37 qodob.

Sidoo kale hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila waxa uuna isna ka kooban yahay 10 qodob.

Labada hindise sharciyeed ayaa waxaa ku lifaaqan codsi Ra’isal Wasaare kaasi oo in Xildhibaanada golaha shacabka ay si deg deg ah labadaan hindise sharci ugu dhigaan oo ay u ansixiyaan maadaama Ra’isal Wasaraha uu sheegay in labadooduba ay muhiim u yihiin dalka.

Sharciyadaan ayaa golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya markii ay ansixiyeen waxa ay sheegeen in uu yahay mid muhiim ah ismarkaana loo baahan yahay in golaha shacabku ay meel mariyaan Aqrimaha 1aad 2aad iyo 3aad.