Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay,waxaana si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda  Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Safarka Ra’iisul Wasaaraha  la xiriiro shirka Golaha Wasiirada oo maalinta berri ka dhici doona magaalada Baydhabo.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca meel ka baxsan Muqdisho, waxaana shirkii u horeeyay bilo ka hor Golaha Wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.