Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabib Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka Jaray Daah furka dib u dhiska Degmada Bondheere iyo is-dhexgalka Bulshada.

Munaasabadda Xafladaasi ayaa waxaa soo diyaariyay Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, oo ay ugu horreyso Guddoomiyaha Degmada Boondhere Marwo Seynab Yuusuf Wehliye oo halkaasi ka hadashay waxaana ay sheegtay in Bulshada ku dhaqan Degmada Boondheere ay yihiin Bulsho jecel Dowladnimada, islmarkaana ku xiran, kana Shaqeeya Degmada.

Munaasabadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo qiimo leh ka jeediyay Duqa Casimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed waxa uuna ka waramay wanaagga ay leeyihiin Dadka ku dhaqan Degmada Boondheere, isagoo ugu dambeynbtii Bulshada Boondheere kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyan Aminga iyo Nadaafad Degmada Boondhere.