Qaar kamid ah xildhibaanada qaranka soomaaliyeed ee labada aqal iyo wasiirada laga soo doortay deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ee katirsan dowlada federalka ayaa isugu yimid kulan xasaasi ah oo ay kaga wada hadlaayeen sidii loo dhameystiri lahaa xukunkii lagu ridey gacan ku dhiiglihii diley Allaha U Naxariistee Xildhibaan /wasiir Cabaas siraaji.

Xildhibaanada ayaa qodobo badan oo arinta ku aadan kawada hadley waxana ugu  muhiimsanaa in la ogaado sababta ay cadaaladda u dhameystirmi la’adahay iyo waxa hortaagan saxiixa fulinta qisaaska ee madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ah ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadaalada lawaafajiyo askarigii dilkiisa ka dambeeyay.

Xildhibaan Xasan Cabdi-Nuur Oo Kamid ahaa xildhibaanada madashaasi ka hadlay ayaa waxa  uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay mudo 7 Bilood ah tan iyo markii xukunka lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay ilaa imika.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawaan ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulahi Farmajo  isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji .

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyey oo arintan ay kaga hadlaan qaar kamid ah xildhibaanada qaranka iyadoo laga dhursugayo waxa ka soo bixi doono kulankaasi iyo halka ay ku dambeyntoonto cadaalad waafajinta askarigii dilay Allaha u Naxariistee Marxuum cabaas Siraaji.