Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Badda Puntland ay gacanta ku dhigeen ajaanib laga shakiyey waxaana ay soo qabteen saddex nin oo yamaniyiin ah iyo nin Somali ah oo la socday,kadib howlgal laga sameeyay deegaan xeebeedka Garacad.

Gudoomiyaha deegaanka Garacad Cabdinur Cabdilaahi Xirsi ayaa sheegay in ragan loo qabtay arimo shaki  ka dhan ah  nabadgalyada laguna xiray halkaasi oo ay ganacta ku hayaan Ciidanka Badda Maamulka Puntland baaritaano lagu wado waxa uu ahaa qorshahooda iyo sababta halkaasi ay u yimaadeen.

Dhanka kale Waxa uu sheegay in Isbadal Amni laga dareemay deegaanka Garcad iyo tuulooyinka hoos yimaada ka dib Imaanshaha Ciidanka Badda Puntland oo Saldhig Wayn ka Sameystay deegaanka Gacarad ee Gobolka Mudug.