Sida lagu daabacay Wargeyska The standardmedia ee kasoo baxa dalka Kenya khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxda  Al-shabaab kaddib qaraxii 14-kii Ocober ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil Sirdoon ah oo la hadlay Wargeyska ayaa sheegay in  madaxda dhexe ee Al-shabaab,guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda kaa oo lagu magacaabo Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa lagu eedeynayo in uusan la tashan Golaha shuurada Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii isgoyska Zoobbe ka dhacay bishii aynu soo dhaafnay.

Qaraxyadda iyo weerarada Al-shabaab ay fuliyaan waxaa lagala tashadaa Golaha shuurada ee Al-shabaab kuwaasi oo ansixiya goobaha la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay hogaamiyaha Al-shabaab .

Sidoo kale Wargeyska The standardmedia ayaa qoray in Hoggaamiyaha Al-shabaab uu haatan bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabaab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab.

Qaraxii ka dhacay  Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho majirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa balse dowladda soomaaliya ayaa al shababab ku eedeesay kuwaa oo ka gaabsaday in ay kahadlaan waxaana ku dhintay  400-qof oo dhamaan shacab ahaa.