Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay warbaahinta dowladda  ayaa sheegay  in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  u magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka dint iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haye looga dhigay  Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/Xakiin Xuseen Ashkir.