Wararka laga helayo deegaano kamid ah gobolada dhexe  ayaa ku waramaya in dagaalamayashii ugu badnaa ee katirsan al shabaab in ay deegaanada gobaladaasi soo gaareen  kuwaa oo baxsad ka ah duqeymaha diyaaradaha drones-ka.

Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Axmed Maxamed Tredishe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe.

Generalka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ka geysanayaan qaar kamid ah gobolada Koofureed ee dalka.

“Waxa ay ka soo baxsadeen duqeymaha koofurta Soomaaliya waxayna ku soo jeedaan Galgaduud iyo Mudug umana ogolaanayno inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanada ay qaxa ku yimaadeen.”ayuu yiri Taliyaha guutada 52aad General  Axmed Maxamed Tredishe.

Taliyaha guutada 52aad ayaa intaasi ku sii daray in qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab ay u gudbeen maamul goboleedka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.

“Qaar ka mid ah madaxdooda waxa ay mareen degmada Ceeldheer iyo Xaradheere iyagoo u gudbay buuraha Galgala.”

General Axmed Maxamed Tredice ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen qaar ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab uuna rajeynayo in kuwo kale ay dowladda u soo goostaan.

Sidoo kale dagmada Matabaan ee gobalka Hiiraan maalmo ka hor waxaa soo gaaray dagaalamaayal katirsan al shabaab oo watay gawaarida dagaalka.

Duqeymaha mareykanka ayaa qasaaro ba’an u geestay xerooyinka ay ku tabo bartaan iyo goobaha ay ka howlgalaan dagaalyahanada al shabab iyadoo duqeymihii ugu dambeeyay in kabadan 100 dagaalyahano lagu dilay, waxaase dowlada mareykanka ay sheegtay in ay laba jibaari doonto beegsiga al shabaab.

Awoodii Al shabaab ayaa gabi ahaanba wiiqantay tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay isgoyska soobe ee magaalada muqdisho, waxaana dowladda soomaaliya ay bilowday howlgallo lagu baa’biniyo  argagaisada al shabaab.