Magaalada Jabuuti  oo madaxda Ahlu-Sunna Iyo Galmudug ay ku sugan yihiin waxaa si rasmi ah ugu bilowday  wada hadalada wajigii labaad oo labada dhinac si toos ah u dhaxmaraya, iaydoo saraakiil katirsan urur goboleedka IGAD Ay garwadeen ka yihiin.

Maamulka Galmudug ayaa wadahadaladan waxaa ug  qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle waxaana ka mid ah Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey halka Ahlu Sunna uu  hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Is aragii koowaad ee labada dhinac ayaa  ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo guul darro ku soo dhamaaday,waxaana shirkan laga rajeynaya in Isfahan buuxa uu dhaxmaro labada dhinac oo ka duwan kii Nairobi.

Shirkan ayaa la rajeynayaa in laga gaaro is faham ah in maamulka Galmudug ay ku soo biiraan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo gacanta ku haya magaalo madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb iyo labada dhinac iska fahma sharuudo ay soo kala dagsadaan oo ku aadan maamulka Galmudug.