Taliska Militry-ga Mareyknaka Qaarada Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in duqeymo diyaaradeed oo ay la beegsadeen saldhigyo dagaalyahanada daacish-ta soomaaliya ay ku leeyihiin  deegaanka Dasaan oo katirsan dagmada Qandala ee Gobalka Bari in ay qasaaro ku gaarsiiyeen.

Duqeynta ayuu Mareykanka sheegay in ay dhacday saacadda Marka ay aheyd 03:00 PM bariga qaaradda afrika islamarkaana lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsanaa Daacish.

War ka soobaxay taliska AFRICOM ayaa lagu yiri “Dowladda mareykanka waxa ay kordhinaysaa garab istaaga Muwaadiniinteeda ku sugan Soomaliya, caawinta ciidamada AMISOM, iyo  Xoogga dalka Soomaliyeed, waxaa lasii xoojin doonaa duqeymaha lagu qaadayo saldhigyadda Daacish iyo Al-shabaab ay ku tababartaan”.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii labaad oo diyaardaha mareykanka ay ka fuliyaan deegaanada maamulka puntland halkaa oo deegaano katirsan ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda daacish gaar ahaan Buuraha Gal-gala  oo doonaya in ay is balaariyan balse la kulmaya duqeymaha mareykan-ka oo la rumeesan yahay in awoodooda ay sii wiiqmeyso.