Shir jaraa’id uu ku qabtay Gudaha magaalada Hargeysa  Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland  ayaa lagu aqbalay doorashadii 13-kii bishan ka dhacday maamulka Somaliland.

Tartankii madaxtinimo ee uu ku guuleestay musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaa aqbalay xisbiga mucaaradka ah ee waddani kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay guusha muusa biixi.

Shir Jaraa’id oo uu xafiiskiisa magaalada Hargeysa  ku qabtay guddoomiyaha Maxkamad Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayuu ku sheegay inaan wax dacwad ah loo soo gudbin sidaa darteedna ay ansax tahay natiijada doorashada ka dhacday deegaanada Somaliland bartamihii bishan.

Hase yeeshee xilligii ay socotay tirinta doorashada ayaa hogaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro uu eedeeyay habka ay u dhacday doorashada,sidoo kale guddi madaxbanaan oo kormeeraray habka ay u dhacday doorashada ayaa sheegay in meelaha qaarkood aysan codeynta si sax ah u dhicin iyagoo farta ku fiiqay in dad aan qaangaar ahayn ay codeeyeen.

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, kadib markii uu helay 55.19% codadkii ay dhiibteen 700,000 oo qof.

Muuse Biixi codadka uu helay guud ahaan waxay gaarayeen 305,909, oo u dhiganta 55.19%, halka Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu helay 226, 690 cod oo u dhiganta 40.73%,Feysal Cali Waraabe oo ah musharaxa u tartamay UCID ayaa helay 23,140 cod oo u dhiganta 4.17%.