Iyadoo isla  maanta magaalada Muqdisho ay soo gaareen Wafdi ka socda Dowladda Qadar ayaa waxaa ay kulamo la yeesheen Wasiiro katirsan Dowladda Soomaaliya oo ay la saxiixdeen heshiis ku saabsan hirgelinta mashaariic horumarineed,waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Heshiiskan oo ku kacaya lacag dhan 2 boqol oo milyen oo dollar ayaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hadlay Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageeradan ay dowladda Qadar u fidinayso shacabka Soomaaliyeed.

Mashaariicdani  horumarinta ah  waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada SHabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa sheegay  in ay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada,sidoo kale dhismayaasha Waddooyinka ayey sheegeen in ay shaqo badan ka heli doonaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wafdiga ayaa sheegay in lacagtaasi lagu bixinayo mashaariic lagu horumarinayo Soomaaliya, kaas oo uu bixinayo Sanduqa  Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.

Mashaariicaha Dowlada Qatar Fulin Doonta Waxaa Ka Mid Ah.

1-Dhismaha Wadada Muqdisho – afgoye

2-Dhismaha Wadada Moqdishu – Jowhar

3- dayactirka Dhismaha Xarunta Xizbiga Oo Noqon Doonta Xarunta Xukuumada Eey Ku shaqeeyso Si Culeyska Looga Qaado Vila Somaalia

4-Dhismaha Wasaara Qorsheynta

5-Machadka Diblomasida Ee Wasaarada Arimaha Dibadda

6-Shaqo Abuur Iyo Deeqa Waxbarasho

7-Xarunta Dowlada Hoose Oo Dayactir Loogu Sameyno

8-Iyo Lacag Dhan 200 malyan oo doller.