Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Gobolka hiiraan waxaa ay ka bilaabeen Howl-galo Al shabaab looga saarayo Deeegaanada Gobolka Hiiraan ay kaga sugan yihiin.

Howlgaladan oo Ciidamada Xooggu ku doonayaan in kooxda Al shabaab looga saaro Hiiraan ayaa  ah mid looga hortagayo dhiibaatooyin ay ku haayan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Gobalkaasi.

Saraakiil la hadashay warbaahinta dowladda  ayaa sheegaya  in Gobolka Hiiraan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay wadaan dadaalo gabi ahaan gobalka loogu sifeynayo Al shabaab.

Waxaa Shabaabku ay ku sugan yihiin  tuulooyin dhaca Gobalka Hiiraan, waxaana ay  go’doomiyeen ganacsiga Magaalada Buulobarde iyagoo sidoo kale gacanta ku haya dhulka u dhaxeeya Jalalaqsi iyo buulo-barde.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa deegaano dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka waxaa ay ka wadaan qorshayaal  al shabaab  gabi ahaanba lagu soo afjarayo jiritaankooda, si nabad galyada iyo xasiloonida dalka u noqoto mid shacabka ay ku naaloodaan.